R.W. Xukuumada oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay shirkii dhaqaale uruurinta Qaxootiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib, safar ay ku tageen magaalada Brussels ee dalka Belgimka halkaasoo uu ka dhacayay kulan-weyne dhaqaallo loogu aruurinayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, balse ay xanibeen duruufaha dhaqaale iyo farsamo.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Q/midoobay iyo Midowga Yurub, waxaana ka soo qeybgalay xubno matalayay in ka badan 40 dawladood, hay’addaha ku shaqada leh qaxootiga, wafdi sare oo ka socday dawladda Kenya iyo wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dhaqaale lacageed loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Xerooyinka Qaxootiga ee dalka Kenya, kuwaasoo si iskooda ah diyaar ugu ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, basle aan heysan dhaqaale ay dib ugu soo laabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa markii uu saaka dalka dib ugu soo laabtay, waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid muhiim ah isla markaana yabooh dhaqaale loogu sameynayay qaxootiga Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan cadeeyo, qaxootiga aan ka hadleyno ma ahan in si qoor qabad ah dalka dib loogu soo celinayo, qorshahani waa mid ballaaran oo la doonayo in la abuuro marka hore jawi leh adeeg huffan oo ay nolol wanaagsan ku heli karaan Qaxootiga soo noqda. Waxa uuna socon doonaa muddo 4 sano ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmarke oo carabka ku dhuftay in dowladda oo kaashaneysa Q/midoobay iyo Midowga Yurub ay u howlgali doonto sidii loogu diyaarin lahaa dadkaasi dib ugu soo laabanaya dalkooda goobihii iyo adeegyadii lagama maarnaanka u ahaa nolosha.

—Dhammaad—–

IMG 8005
IMG 8013
IMG 8015
Kulanka dhaqaale uruurinta  Brusells

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor