R.W. Cumar oo kulamo kula qaatay Dhuusamareeb Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka

Page1

R.W. Cumar oo kulamo kula qaatay Dhuusamareeb Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee shirka nabadeyntu uga socday degmada Dhuusamareb ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaraha Booqashadiisa, waxaana ay ka codsadeen dowladdu in ay gacan ku siiso dhamaystirka howlaha dhiman.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka hadlayey xarunta shirku ka socday ayaa sheegay inuu indhahiisa ku arkey sida shacabka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada ay uga go’an tahay inay is cafiyaan, mustaqbal wanaagsanna u horseedaan degaannada gobollada dhexe.

“Gobollada dhexe ee Soomaaliya muhimad gaar ah ayay u leeyihiin nabadeynta dalka iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo shacabkeenna ay ku faanaan. Waa muhiim midnimada dadka deegaanka, dowladda dhexe waxay si gaar ah xil isaga saareysaa sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, nidaamkaas oo ah kan keliya ee horumar lagu gaari karo” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kalana sheegay in xukuumadu ay balan qaadayso intii awoodeeda ah iney gacan ku siiso dadka ku dhaqan gobolada dhexe sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad waarta oo ka dhalata deeganadooda’’ ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashid ayaa dhiirgeliyey dadaallada Nabada loogu raadinayo ee Xukuumaddu ka wado Guriceel, wuxuna timlmaamay heshiiskii dhawaan la saxiixay in u jeedkiisu ahaa in bulshadu ay si nabad ah u wada noolaato, waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu caawa kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo Maamulka gobolka Galgaduud.

—DHAMMAAD—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Dhuusamareb-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

IMG 8176
IMG 8197  1
IMG 8237
IMG 0015
IMG 0029
IMG 8302
IMG 8306
IMG 8219  1
IMG 8264
IMG 8280
IMG 8345
IMG 8168
IMG 8339

IMG 8379

IMG 0110  1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor