Qurbo-joog Somali ku dhibaataysan dalka Cambodia oo  codsaday in laga taageero inuu dib ugu soo laabto dalka Hooyo.

C/qaadir Daahir Muuse waxa uu muddo Tobaneeyo sanno ah ku noolaa dalka Kamboodiya, isagoo ku nool Lacag Yar oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) u qoondeysay si uu ugu noolaado.

Wareysi siiyey Wargeyska Khmer Times ee ka soo baxa Caasimadda dalka Cambodia ee Phnom Penh ayuu sheegay inuu quudaraynayo inuu ku laabto dalkiisa Hooyo, oo uu xusay inay ka soo tahriibay muddo haatan laga joogo 15-sanno.

“Waxaan doonayaa inaan aado dalkayga Hooyo, Halkan addoon baan ku ahay. UNHCR waxay igu yiraahdeen mar kale ha imaanin Xafiiskeena. Waxaan la hadlay QM, Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM). Wax daryeel kama helin, imana dhegeystaan” ayuu ku cataabay Qurbo-joog C/qaadir Daahir Muuse oo Aqoonsi ahaan u haysta Kaarka Qaxootinimadda ee laga siiyey Xafiiska UNHCR ku leeyihiin dalka Cambodia.

C/qaadir Daahir Muuse oo ah Muwaadinka keliya ee Soomaali ah ee ku nool dalkaasi ayaan haysnanin wax Baasaboor ah, waxa uu kiro ahaan ugu nool yahay Qol yar oo aan daaqad lahayn,  oo uu ku kireystay 40-Dollars.

Waxa uu Khaati ka taagan yahay Kaneecadda oo uu had iyo jeer dhex yururi Shabaqa ama Mara-kaneecadda.

Wax uu tilmaamay inay  Hay’adda UNHCR bishiiba siiyaan lacag dhan 80-Dollars  si uu uga dhigto nolol-maalmeedkiisa iyo  kirada hoyga.
Sidoo kale, waxa uu Wareysigiisa tiiraanyadda leh ku xusay  inuu midabtakoor kala kulmay dadka kale ee Afrikaanka iyo Carabta ee kula nool dalkaasi, wuxuuna sheegay inay mar isaga siiyeen sun , taasi oo ugu dambayntii u keentay uu dhiig kaadiyo.

Qurbo-joogaasi ku dhibaataysan, kuna go’doonsan dalka Kamboodiya waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia inay Dowladda Kamboodiya kala hadlaan Arrintiisa, si loogu soo  dhoofiyo Somalia.

Sarkaalka Warfaafinta Xafiiska UNHCR ee dalka Cambodia, Vivian Tan waxa uu sheegay inay Dib-u-celintaasi dhici karto oo keliya, marka ay Dowladda uu asal ahaan ka soo jeedo qofka Qaxootiga laga helo Fasax in la soo celin karo.

Dhinaca kale, C/qaadir Daahir Muuse waxa uu tilmamay in ay Boliska Cambodia u diideen inuu ka shaqeysto dalkaasi.

“8 sanno ka hor, Injineer Talyaani ah ayaa shaqo I siiyey, laakiin Boliska ayaa iga joojiyey, waxayna sheegeen inaan shaqeyn karin. Laga yaabee sababta inaan ahay Somali, laga yaabee magacaygu inuu yahay magac Muslim” ayuu yiri Ninkaasi oo sheegay markii uu joogay Somalia inuu ahaa Dareewal ka shaqeeya Gaadiidka Forklift ee ka hawlgala Dekeddaha.

C/qaadir Daahir Muuse waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inuu weli xusuusan yahay Somalia oo ah Waddan Wanaagsan.

Waxa uu ugu dambeyntii sheegay inuu u hiloobay Hooyadiisa iyo Labadiisa Carruur ah, isla markaana uu u xiisay Cuntadda Soomaalida iyo Dadka Soomaalida

Waxa uu sheegay inuusan marnaba codsanaynin inuu u ambabaxo dalalka Canada ama Maraykanka.

Abdulkadir Dahir Muse1

Abdulkadir Dahir Muse2

Cambodia

Xigasho: Khmer Times

Waxaa Turjumay Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor