Qunsuliyaddii Poland ee Galbeedka Ukraine oo la weeraray.

Dabley aan la aqoonsanin ayaa la sheegay inay weerareen Qunsuliyadaasi oo ku taalla Degmadda Lutsk, waxayna burburiyeen Saqafka Dhismaha iyo Daaqadihiisa.

Websaytka Volyn24 ayaa qoray inuu weerarkaasi shacay saqdii dhexe ee xalay, maana kala cadda in Dhismaha gantaal lagu dhuftay iyo in la rasaaseeyey.

Boliska dalka Poland weli kama hadlin weerarkaasi, mana jirto koox sheegatay weerarkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media