Qorshihii lagu soo celin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya oo si KMG loo hakiyey.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) waxay sheegtay inay si KMG u hakiyeen Qaxootiga Soomaalida ee dhinaca dhulka loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

 

Hadal-qoraal oo ay Hay’adda UNHCR ka soo saartay magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay in Xaalladda Hawada ee W/bari Kenya aad u xun tahay, isla markaana ay adag tahay in Waddooyinka lagu safro.

UNHCR waxay kaloo sheegtay inay ka fekerayaan qorshe Diyaarado lagu soo qaadi doono Qaxootiga doonaya inay ku laabtaan magaallooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Qorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ku sugan Kenya ayaa waxa horey Heshiis Shaqo oo saddex-geesood ah dhex maray Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR.

In ka badan 500,000 oo Qaxooti Soomaali ah ayaa weli ku sugan Xerooyin ku yaalla Kenya.

Dhinaca kale, UNHCR waxay sheegtay inay bishii October gacan ku siiyeen 118 Qaxooti Soomaali ah duullimaadyo Diyaarado ku sii jeeday magaalladda Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor