Qorshaha dib loogu soo celinayey Qaxootiga Soomaalida ku sugan Kenya oo ay soo food-saartay Caqabado

Barnaamijkaasi ayaa la sheegay inuu caqabado kala kulmay, iyadoo aan weli la bixinin Yaboohii ay in ka badan 40-Dowladood kaga dhawaaqeen Shirkii Calaamiga ee Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ee bishii hore lagu qabtay caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Kenya iyo Somalia waxay u baahan yihiin ugu yaraan 500 million oo Dollars si loogu fuliyo Mashruuca Dib-u-soo-celinta Qaxootiga, iyadoo Shirkii Brussels isbuucii horelooga ballanqaaday in la bixinayo 105 million oo Dollar oo ah shan meelood oo meel kale Yaboohii Lacageed ee la ballan-qaaday.

Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Xasan oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in kharajka 100-million ee Dollar ee lagu yaboohay uu bilow wanaagsan u yahay sidii lo obilaabi lahaa Dib-u-celinta Qaxootiga.

Wuxuuna intaasi ku daray haddii hawsha la bilaabo la rajeynayo in sida ugu dhaqsaha badan loo bixiyo Malaayiinta kale ee Dollar ee loogu yaboohay Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya.

Midowga Europe “EU” oo marti-geliyey Shirkii Brussels, waxay ku yabooheen 60 million oo Euro si loogu adeegsado xalinta dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaalida ku nool gudaha Somalia iyo dalalka deriska.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor