Qoor-gooyaha Daacish, Jihadi John oo qorsheynayo inuu u soo baxsado Somalia iyo Ciiddamo Khaas oo British u soo dirtay Somalia

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa dalka Britain ayaa waxa uu maanta oo Axad ah qoray inay Ciiddanka Khaaska ee Britain ee British SAS Special Forces qorsheyanayaan inay Nolosha ku soo qabtaan Jihadistaha Britishka ee Mohamed Emawazi, laguna naanayso Jihadiste John, kaasi oo Dagaalamayaasha Daacish ugu qaabilsanaa Qoor-goynta La-haystayaasha Reer Galbeedka.

Jihadi John waxa uu horey Surka uga jaray Labo Muwaadin oo British ah oo la kala oran jirey David Haines iyo Alan Henning.

Ilo ka tirsan Ammaanka Dowladda Maraykanka ayaa u sheegay Wargeyska “The Sunday Peope” inay Hoggaamiyayaasha Daacish gooni isaga riixeen Jihadi John oo aan haatan wax Mansab ah ku dhex lahayn Doorka Hoggaamineed ee Hawlgalladda Daacish.

Ilo-wareedyadaasi oo codsaday inaan la magacaabin waxay sheegeen inuu Jihadi Johan xiriir la sameeyey Kooxaha kale ee Jihaadistayaasha ee ku sugan dalka Syria, kuwaasi oo mucaarad ku ah Kooxdaa Daacish.

“Jihadi Johan waxa uu u muuqdaa nin quus taagan oo garanayo inay maalmihiisa kooban yihiin, wuxuuna samaynayaa qaab kasta oo ku badbaadin karo Noloshiisa” ayey Ilo-wareedka Maraykanka u sheegeen Wargeyska The Sunday People.

Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka waxay door-bideen inay inay Ciiddanka Khaaska ee Britain ee British SAS Special Forces inay hoggaamiyaan Hawlgalka lagu soo qabanayo Jihadiste  John, sababo la xiriira Arrimo Sharciga iyo Siyaasadda.

Dhinaca kale, Hay’adaha Mukhaabaraadka Britain iyo Maraykanka ayaa ururinaya xogo hoose oo ku aadan inuu Qoor-gooyaha Kooxda Daacish, Jihadi John ku hawlan yahay sidii uu qaab dhuumaalaysi ah ugu soo haajiri lahaa Somalia, si uu ugu biiro Xarakadda Alshabaab.

Wargeyska The Mirror waxa uu qoray inaysan wax lala yaabo ahayn in la ogaado inuu Qoor-gooyaha Daacish, Jihadiste  John sameeyey dadaallo uu dhowr sanno ugu jiray inuu ugu safro Somalia, taasi oo soo jiidatay Dareenka Maamulayaasha Britain.

Bishii la soo dhaafay ee September 27-dii, Ra’isul-wasaaraha Britain, David Cameron waxa uu sheegay inuu ku-dhawaad 70 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee Britain ee British SAS Special Forces u soo diri doono  Somalia si ay u taageeraan Ciiddamadda Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

© Radio Dalsan.

Xigasho: MIrror.co.uk

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor