Dhegeyso: Qof Mudacyada kabaha lagu tolo ku dilay qof kale oo gacanta lagu dhigay

Nin qof rayid ah ku kudilay deegaanka garasbaaleey ee duleedka Magaaladda Mogadishu, ayaa waxaa ay maamulka deegaankaasi ay shegeen in ay gacanta kusoo dhigeen.

Qofka geeryooday ayaa la sheegay in dhaawac ahaan looga qaaday goobta balse markii dame uu u geeryooday dhaawicii kasoo gaaray weerarka.

Gudoomiyaha deegaanka garasbaaleey Cabdiraxmaan garyare, ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay uu adeegsaday mudaca kabaha lagu tolo, waxaana uu intaasi uu kusii daray in marxuumka geeryooday ay dhoor-jeer wadnaha ay kaga dheceen mudacyada.

Sidoo kale Cabdiraxmaan garyare, ayaa intaasi ku daray in qofkii dilkaasi geystay uu hadda ku xiranyahay xaruunta dambi baarista ee Magaaladda Mogadishu.

Halkaan ka dhegeyso Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaleey

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor