QM”Waa In Sharciga La Horkeennaa Kuwii Weeraray Maka Al Mukarama”

War Saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, waxay si kulul ugu cambaareeyeen weerarkii ay Xarakadda Alshabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama.

Golaha waxay  ku baaqeen in kuwii weerarkaasi ka dambeeyey la soo taago Sharciga, waa sida lagu xusay War Saxaafadeedkasi oo ay baahisay Xarunta UN News Center ee magaalladda New York.

Golaha Ammaanka ee QM, waxay tacsi u direen qoysaska  dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, waxayna dhanka kale u rajeeyeeen dadka ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah.

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa weeraray Hotelka Maka Al-mukarama, waxaana halkaasi ku geeriyootay Tobaneeyo qof oo uu ka mid ah Danjirihii Somalia uga wakiilka ahaa Xafiiska QM ee magaalladda Geneva, Yuusuf Mohamed Ismail  Bari-Bari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor