QM oo ugu baaqday Dowladda Somalia in Carruurta laga badbaadiyo Xaalladaha Colaadaha.

Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, Leila Zerrougui ayaa hadalkaasi jeedisay, kadib, markii ay dhamaysatay Booqasho 6 maalmood oo ay ku joogtay Somalia.

Waxay ku ammaantay Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland dadaalkododa ku aadan sidii loo hagaajin lahaa Xaaladaha ay ku sugan Carruurta ku dhex nool colaadaha hubeysan.

“Waxaan doonaynaa in loo shaqeeyo carruurta, haddii ay qaarkood cabsi ka qaadaan Dagaalladda in la daaweeyo” ayey Laila Zerrougui maanta ku sheegtay War Saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka QM ee Somalia.

Waxay intaasi ku dartay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii ay Dowladda iyo Maamulladda u xaqiijin lahaayeen arrintaasi, waxayna carrabka ku dhufatay inay QM taagereri doonto Mashruucooda.

Hadalka Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, Leila Zerrougui ayaa yimid, kadib, markii ay Ciiddanka Maamulka Puntland bishii Maarso qabtee, oo ay xireen Tobaneeyo Carruur la askareeyey, kadib, markii ay Puntland fashiliyeen weerar ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen qeybo ka mid ah Goballadda hoos taga Maamulka Puntland.

Waxay kaloo sheegtay inay Madaxda Puntland u damaanad qaadeen QM inaan la dilin 12 carruur oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo horey loogu xukumay xukun dil ah.

Dhinaca kale, Booqashadda Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, Leila Zerrougui ku timid Somalia ayaa ku soo beegantay iyadoo bisha soo socoto ee August 2-da la soo saari doonto Warbixin Sannadeedka Guddiga Carruurta iyo Colaadaha Sokeeye.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media