QM oo tiro-koob ka soo saartay Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Gaalkacayo.

 

Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Samafalka (OCHA) ayaa sheegtay in ay 40,000 oo qof ku barakaceen dagaalkii Sabtidii hore ka dhacay magaalladda Gaalkacayo.

Warbixinta OCHA ayaa la sheegay inuu asaas u yahay Warar laga helay Hay’addaha aan Dowliga ahayn (NGO)-yadda ku sugan magaalladda Gaalakacayo.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta QM ee magaalladda New York, wuxuuna xusay inay in  ka badan 30 qof lagu dilay dagaalladaasi u dhexeeyey Ciiddanka Galmudug iyo kuwa Puntland.

“NGO-yadda Maxaliga waxay bixinayeen Daryeel Caafimaad oo Wareega (Mobile Health Care), Biyo iyo Adeegyadda Nadaafadda” ayuu yiri Afhayeenka QM, Stephane Dujarric.

Dhinaca kale, Afhayeenka QM waxa uu sheegay in dhmaan Hay’adaha QM iyo kuwa Calaamiga waxaa si KMG looga raray Gaalkacayo, sababo dhinac Dagaalka.

Waxa kale oo uu ka hadlay Xaalladda Aadminimo ee Somalia, wuxuuna xusay in dad tiradoodu dhan tahay 4.9 million oo qof u baahan yihiin in la kaalmeeyo, halka 1.1. million oo kalena ku baracaeen gudaha Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor