QM oo soo dhaweysay doorashada maamulka Jubaland

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe uqaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Amasador Niclos Key, ayaa waxa marka hore lagu soo dhaweeyay doorashadii Axmed Madoobe iyo hanaankii ay udhacday caleemasaarka Madaxweynaha.

Mr Kay, ayaa sheegay in uu ugu hambalyeynayo Madaxweyne Axmed doorashadiisa iyo balanqaada QM, ee siiwadida taageerida maamulka kumeelgaarka ee Jubaland la siinayo ayuu yiri.

Sidoo kale Mr Kay, ayaa sheegay in uu ugu baaqayo in beelaha dega Gobolada Maamulka uu ka arimiyo Jubaland ay ka dhex muuqdaan baarlamaanka maamulkaasi.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa uu sheegay wiliika xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe uqaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Amasador Niclos Key, in ay dhamaan soomaalida ay ka qeybqaataan wadashaqeynta in somaliya ay ka dhacdo doorasho marka lagaaro sanadka 2016.