QM oo soo dhaweysay Dhismaha Barlamaanka Galmudug

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa bogaadiyey doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, kaasi oo bishan 27-dii lagu doortay doorasho ka dhacday Xarunta Shirweynaha Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee magaalladda Cadaado.

Nicholas Kay waxa uu bogaadiyey Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Galmudug, Ali Gacal Casir, wuxuuna sheegay inay doorashadaasi tahay tallaabo muhiim u ah Dhismaha Dowlad-gobaleedka Goballadda Dhexe.

Dhinaca kale, Nicholas Kay waxa uu bogaadiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Dowladda Federalka, C/raxmaan Maxamed Odawaa’, Guddiga Farsamada iyo xubnaha Barlamaanka Galmudug qaabka dheelitiran ee ay u dhacday Doorashaddii Hoggaanka Barlamaanka Federalka.

Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia., waxa uu sheegay in Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) sii wadi doono taageeradda buuxda ee ay u hayaan  dadaalka lagu dhisayo Maamul-gobaleedkaasi, iyadoo la filayo in Doorashadda Madaxtinimadda qabsoonto sida uu jadwalku yahay bisha soo socota ee Luulyo 4-da oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor