QM oo shegtay in xiligaan soomaliya ay u baahan tahay warbaahin xur ah

Wakiilka Qaramada Midoobe ee soomaaliya Ambasador Niclos Key, oo warbixin kooban bartiisa bulshada uu kula xiriiro soo dhigay, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo xirnaashaha labo weriye oo ka tisan Televeshinka Universal TV, oo ay xabsiga dhigeen Ciidamada dowlada soomaaliya.

“ Waxaan ka walaacsanahay xariga wariyaasha Telveshinka UNIVERSAL TV, ee kala ah Awil Dahir iyo Abdullahi Hersi. Soomaaliya waxaa ay ubaahantahay warbaahin xur ah iminka iyo inta lagu guda jiro nidaamyada doorashada soomaaliya ee 2016” ayuu yiri.

Xariga wariyaasha Universal TV, ayaa yimid kadib markii uu televeshinkaasi uu si toos ah ubaahiyay barnaamij loogu hadlayay siyaasada soomaaliya iyo Baarlaanka.

Sidoo kale Muqdisho cable oo ah xarun kulmisa Tv-yo badan inta badan ay daawadaan dadka Muqdisho ayaa waxaa laga saaray Tv-ga Universal oo haray uga mid ahaa.

lama oga sababta arintaan ka dambeysa hasa yeshee waxa ay kusoo begmeysaa xili ay weli Muqdisho ku xiran yihin laba kamida shaqaalaha Tv-gaas.

Wariyaasha Universal TV ayaa cisho imminka u xiran dowlada soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor