QM oo shegtay in tiradda Muhaajiriinta ay soomaalida ku jiraan ee galaya wadamada Yurub in ay sare ukacday

QM ayaa sheegtay in tirade Muhaajiriinta faraha badan ee ay soomaalida ku jiraan ee galaya dalalka yurub in ay sare ukacday, waxaana ay sheegeen in Maalin kasta ay Yurub sii galaan dad lagu qiyaasay 8,000 oo ruux oo u badan dadka kaooa cararay wadamada ay dagaaladda ka jiraan sida Suriya, dalalka Africa Qaar sida Soomnaaliya.

Iskuduwaha arimaha Qaxootiga Gobolka ee hey’ada UNHCR Amin Awad, ayaa wariyaasha magaalada Geneva ugu sheegay in tiradaasi ay mar kasta ay sii kordhi karto.

Wadama Yurub ayaa dhawaan isku raacay qeybsashada qaxootiga ka yimaada Suriya, oo badankoodu kasoo baxay dagaalada dalkaasi.

Dad badan oo soomaali ah ayaa Dalalka yurub ka gala dalka Talyaaniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor