QM oo sheegtay inay Kumanaan Carruur Soomaali qarka u saaran yihiin dhimasho Kaalmo La’aan darteed.

Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka QM ee Somalia, Peter de Clerq ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Idaacadda QM (UN Radio) oo ku taalla Xarunta QM ee  magaalladda New York, wuxuuna tilmaamay in ku-dhawaad 60,000 oo Carruur ay khatar ugu jiraan inay macluul u geriyoodaan.

Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka QM ee Somalia oo fadhigiisu dhexe ku yaallo magaalladda Muqdisho, waxa uu sheegay inay carruurtaasi geeriyoon karaan, haddii aanan lala soo gaarin Gargaar Degdeg ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

QM ayaa horey u sheegtay in loo baahan yahay Kaalmo Lacageed oo dhan ku-dhawaad 900 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Hawlaha Samafalka, balse ay heleen oo keliya 2% oo ka mid ah Kharajka la codsaday.

Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala Somalia, waxay horey u sheegeen in  5 million oo qof ama kala bar Tiradda Guud ee Dadka Soomaalida u baahan yihiin kaalmooyin kala duwan.

Hay’adduhu waxay kaloo sheegeen in Deganaansho La’aanta Siyaasadda, Abaaraha iyo Daadadka ay Dadka Soomaalida ka dhigtay kuwo ku tiirsan Kaalmooyinka Caalamiga.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor