QM oo sheegtay inay kordheen Dilalka ay Alshabaab u geysteen Shaqaalaha Samafalka sannadkii hore.

Qoraal Faafin ah oo xalay ka soo baxay Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Samafalka Aadmimo “The U.N. Office for the Coordination of Humanitarian Affairs” ee loo soo gaabiyo OCHA ayaa lagu sheegay in ay Alshabaab sannadkii hore dileen 17 Shaqaale Samafal.

Faafinta ama Bulletinka OCHA  ayaa lagu muujiyey inay kordheen Tiradda Shaqaalaha Samafalka ee lagu dilo Somalia, marka loo barbar dhigo sannadihii hore iyo xitaa sannadihii 1990-aadkii ee ay colaadaha sokeeye ka socdeen dalka Somalia.

“Weeraradda iyo Cabsi-gelinya ka dhanka ah Samafalayaasha wey kordheen” ayaa lagu yiri Bulletinka ka soo baxay Hay’adda OCHA.

Warbixintu waxaa kaloo lagu muuhiyey in sannadkii hore la dhaawacay 18 Samafalayaal, halka 11 la afduubtay iyo 38 la xiray, kuwaasi oo ay ku jireen Shaqaalaha Hay’addaha Samafalka.

Dhinaca kale, OCHA waxay sheegtay inay ku adag tahay inay dadka Soomaalida gaarsiiyaan Gargaarka ee ay u baahan Gargaarka sababo la xiriira Colaadaha, Jidadka oo xun iyo Kharajkii Samafalka oo yaraaday.

©Radio Dalsan                          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor