QM oo sheegtay inay 25,700 oo qof oo ku barakaceen dagaalladii ka dhacay Qandala.

Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Samafalka (OCHA) ayaa sheegtay inay 25,700 oo qof ku barakaceen dagaalladda Maleeshiyadda Daacish iyo Ciiddanka Maamul-gobaleedka Puntland ku dhex maray gacan-ku-hjaynta magaalladda Qandala ee Dekedda leh.

Xafiiska OCHA waxay kaloo sheegeen in inta badan dadka ku barakacay dagaalladaasi yihiin haween, carruur iyo dad da’ ah, iyadoo dadka Barakacayaasha u firxadeen Tuullooyinka ku hareeraysan Qandala iyo kuwo u ambabaxay magaalladda Bosaaso oo 75 KM u jirta Qandala.

Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Puntland ayaa shalay si buuxda dib ula wareegen  Qandala oo ay Kooxda Daacish qabsadeen bishii October 26-dii.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor