QM oo sheegatay inaysan jirin caddaymo muujinayo inay Eritrea taageeraan Alshabaab.

Madaxa Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, Rafel Dario Ramirez Carreño ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inaysan helin caddaymoo muujin kara inay Dowladda Eritrea weli taageeraan Xarakadda Alshabaab ee Somalia.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa horey u magacaabay 8 Khabiir Kooxda Kormeerka ee Somalia iyo Eritrea, kuwaasi oo ka shaqeynayo sidii loo kordhin lahaa Shabakadda xiriirkooda ee Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Kooxda QM waxay kaloo Golaha Ammaanka ee QM u sheegeen inay Madaxweynaha dalka Eritrea  ka heleen Casuumaad si ay u booqdaan dalkaasi.

Goluhu waxay Kooxda ku booriyeen inay xog ka keenaan wararka sheegaya inay Ciiddanka Eritrea ku lug leeyihiin dagaalladda ka socda dalka Yemen.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor