QM oo sheegatay in Qaxooti badan oo soomaali ah ay kasoo laabteen dalka Kenya

Hey’adda Qaramada Midoobe uqaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in ay xeryaha Qaxootiga dalka Kenya sida Dhadhaab iyo kuwa kale ay kasoo laabteen qaxooti badan oo soomaali ah kuwaasoo tiradooda ay ku sheegeen 4,108 ruux, tan iyo bishii December ee sanadkii 2014.

Sidoo kale hey’adda ayaa sheegtay in 250 ruux ay mareen dhulka, halka 224 kalena ay saarneen diyaarado kuwaasoo la geeyay soomaaliya 15-kii hore ee bisha September.

Tirada guud, waxaa ay noqoneysaa ee aan caawinay ee sida iskooda ahna ugu laabatay soomaaliya  4,108 ruux 15-kii hore ee bisha September waxaa dhulka ku safray 3,510 waxaa sidoo kale aan diyaarad saarnay 598 kale, ayaa ku qornaa warbixin ay kasoo saarneen xafiiskooda Magaalada Niarobi Hey’adda Qaramada Midoobe uqaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Heshiiskii arimaha Qaxootiga ee dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Hey’adda Qaramada Midoobe uqaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa ahaa in soomaalida Qaxootiga ku ah dalkaasi, lagu celiyo inta dooneysa meelihii ay asalkooda kasoo carareen ee soomaaliya.

Xeradda Dhadhaab, ayaa ah xerida ugu badan ee ay ku jiraan soomaalida dalkaasi Kenya u cararay wixii ka dambeeyay bur burkii soomaaliya, waxaana halkaasi ki caawiyay hey’addaha Qaxootga ee dalka Kenya

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor