QM oo Qaxootiga Soomaalida ee dalka kenya ku dhiiragalineysa iney dalkooda ku laabtaan

Arintaan waxaa ay timid kadib markii dhawaan dowladda kenya ay go’aansatay in ay dib soomaaliya ugu celineyso qaxootiga soomaalida ee dalkaasi jooga. Kuwaasoo gaaraya 350,000 oo badankooda ka yimid soomaaliya.

Raouf Mazou, oo ah Afhayeenka UNHCR ayaa sheegay in ay soomaalida ka caawinayaan sidii ay dalkooda ugu laabanlahaayeen. Waxaa uu sii raaciyay in ay wali kenya ay leedaha xil iska saarid xaga qaxootiga ah.

Qaxootiga soomaalida ee dalkaasi kenya jooga gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma, ayaa muujinaya walaac xoog badan oo ku aadan in dalka soomaaliya loosoo kaxeeynaayo.

UHCR, ayaa waxaa ay biloowday in ay dadka ku dhiirageliso in ay ku laabtaan dalka soomaaliya, oo hada ay kazoo reyneyso dhinacayada macluusha iyo ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor