QM oo la wareegi doonto Hoggaanka Hawlaha Nabad-ilaalinta Somalia

Warbixin Qoraal ah oo uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxa uu kaga hadlay xaalladda ammaanka Somalia, Khataarta ay Alshabaab iyo Jihaadistayaasha ka soo gudba Gacanka Cadmeed ku hayaan Ammaanka Guud ee Somalia iyo dalalka kale ee ku yaalla Mandiqadda.

Ban Ki-moon, waxa uu aad uga hadlay muhiimadda Hawlgalka Wadajirka ee ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS kula jiraan Alshabaab iyo inay sii socdaan Hawlgalladaasi, wuxuuna xusay inay Beesha Caalamka dhaqaale ku taageereen Hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab.

Warbixinta uu Xoghayaha Guud ee QM,  u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ku faahfaahiyey qorshaha ay QM kula wareegaan Waajibaadka Hawlaha Nabad-ilaalinta ee dalka Somalia.

Sidoo  kale, Ban Ki-moon waxa uu walaac ka muujiyey Ammaanka Somalia iyo Xaalladda Yemen, isagoo sheegay inay taasi horseedi karo inay Jihaadistayaasha u soo dhaqaaqaan Somalia, si ay uga abuuraan deganaansho la;aan dalalka ku yaalla  Mandiqadda.

Waxa uu Deeq-bixiyayaasha ku booriyey  inay ku yaboohaan lacag dhan 863 million oo Dollar si loogu caawiyo 2.8 million oo qof oo ku macluulsan gudaha dalka Somalia.

Waxa kaloo uu ugu baaqay Beesha Caalamka in la dejiyo qorshe cusub oo lagu hago Nidaamka Xawaaladaha Somalia oo haatan xiran, isla markaana in dalka Somalia laga hirgeliyo Nidaam Bangiyeed fududeeya Xawaaladaha.

40% dadka Soomaalida waxay noloshiisa ku tiiran tahay Lacagaha ay u so odiraan ehelladooda ku nool dalalka kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor