QM oo ku tilmaamtay Shirka London mid muhiim u ah Isbedelka Somalia.

War-saxaafadeed uu Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michel Keating shalay ka soo saaray magaalladda Muqdisho, waxa  uu Naruuro ka muujiyey Shirweynaha Caalamiga ee bisha soo socoto ee My 11-da ka dhici doona magaalladda London, kaasi oo looga hadlayo Ajendaha Ammaanka iyo Horumarinta Somalia.

Waxa uu tilmaamay inuu Shirka London muhiim khaas ah yahay, si loo hubiyo Shirka Caalamiga ee Heerka Sare ee lagu taageerayo Somalia ee Xilligan muhiimka ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda iyo Xilliga Kala-guurka ee Dhaqaalaha.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Shirka London muhiimad ballaran u yahay Xoojinta Iskaashiga Wada-shaqeynta ee Somalia iyo Beesha Caalamka iyo in la wadaago muhiimadda sannooyinka soo socda ee dadka Soomaalida looga taageeri karo Mustaqbalka ay doonayaan.

Mar uu ka hadlayey qoddobadda looga hadlayo Shirka London waxa uu tilmaamay inay ka mid yihiin Ammaanka, Taageeradda Abaaraha iyo Dib-u-soo-kabashadda Dhaqaalaha iyo Mudnaanta Qoddobadda Siyaasadda oo ay ku jirto Dib-u-eegista Dastuurka iyo Horumarka Dimuqraadiyeynta si loo gaaro Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod sannadka 2020-ka.

Hadalkiisa ayaa yimid, iyadoo ay DFS iyo Saaxiibadda Caalamka shalay Kulan Heer Sare ah ku yeesheen magaalladda Muqdisho oo loogu diyaar-garoobayo Shirweynaha London.

Shirkaasi oo ay ka qeyb galeen Saraakiil sare waxay isla wadaaheen muhiimadda Siyaasadooda iyo inay ka xaajoodaan Ajendayaasha asaaska u noqon kara Iskaashiga heerka sare ee Heshiiska ay magaalladda London ku kala saxiixan doonaan Somlia iyo Saaxiibadooda Caalamiga.

 ©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media