QM oo ku baaqday in wada hadal lagu dhameyo khilaafka Madaxweynaha iyo Qaar kamid ah Xildhibanada Somalida

Iyadoo tiro gaareysa 91 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Sheekh Maaxamuud, una gudbiyeen Xoghayaha Barlamaanka Federalka, ayaa waxaa wali socda baaqyada la doonayo in khaafyadaasi lagu xaliyo oo loo jeedinayo xildhibaanada iyo Madaxweynaha soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Iyana todobaad kadib soo baxday warbixin sheegeysa in 127 xildhibaan oo kasoo horjeedo Mooshinka Madaxweynaha laga gudbiyay Iyana mid kaas kasoo horjeeda u gubiyeen Gudoonka Barlamaanka Somalia.

Kol hore, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa si kulul u naqdiyey dadaalka ay qaar ka mid ah Mudanaayasha ka keeneen Moshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, wuxuuna xusay inaysan Somalia waqti ku lumen karin Siyaasad horay u keentay inay burburto Nidaamka Dowladnimo ee Somalia.

Balse manta markale ayuu ku baaqay in si deg-deg ah xal loogu helo khilaafka islamarkaan lasii wado hormarada siyaasadda soomaaliya dhibaato la’aan, islamarkaan si wadajir ah doorka loo saaro abuuridda nidaam doorasho 2016, ayuu ku yirid warsaxaafadeed uu soo saaray.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa sidoo kale sheegay dhibaatada mooshinka ay dib udhac ay leedahay, lagama maarmaana ay tahay in la xaliyo.

 

Dowlada somaliya ayaa waxaa uu qorshaheedu uu yahay qabsoomida doorasho 2016, balse falaqeeyaasha iyo Siyaasiinta ayaa jahwareer ka muujinaya hanaanka doorashooyinka.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay waxa uu ugu baaqay Hay’addaha Dowladda Somalia inay sii wadaan shaqooyinka sida ay u kala muhiimsan yihiin, gaar ahaan Dib-u-eegista Dastuurka, oo uu ku tilmaamay inuu xuddun u tahay Dhismaha Dowladnimo iyo Dowlad Wanaagga.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan gacmo kale oo qarsoon, oo iyagu soo abaabulayo Jahwareerka Siyaasadda, xilli ay Dowladda Federalka  horumar ka samaynayso Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, inkastoo lagu fashilmay Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka soo socda oo asaas muhiim u ah Hiigsiga cusub ee Somalia.

Waa hubaal in Madaxweynuhu yeelan karo Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Hoggaamintiisa, waana Nidaam Dimuqraadi in la dhaliilo, isla markaana farta lagu godo Hoggaamintiisa, waxaana la gudboon inuu Khibrad ka kororsado Dhaliilaha loo soo jeedinayo, si uu isku turxaan bixiyo dhaliilaha siyaasadeed ee loo soo jeediyo.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadda haatan soo bandhigay Mooshinka waxay u badan yihiin Xildhibaanadii hor boodi jiray Mooshinkii Koowaad, kuwaasi oo laga markhaati yahay inay Aragtidooda beddeleen, kadib, markii ay shirar Siyaasadeed oo Isfaham keenay la galeen Madaxtooyadda.

Waxa siyaasiinta ay wali hadal hayaaan, dhinac udhicida mooshinada iska soo horjeeda ee ay saxiixeen xildhibaanada taageersan Madaxweynaha iyo kuwa kazoo horjeeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor