QM oo ku baaqday in ciiddanka Ahlu-suna Wal-jameeca ka soo baxaan Dhuusamareeb

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay dhacdooyinka ugu dambeeyey ee ka taagan magaallo-madaxda Gobalka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

Maleeshiyadda Ururka Ahlu Suna Wal Jameeca ayaa dhawaan maamulka Dhuusamareeb kala wareegay Ciiddanka Dowladda ee horey ugu sugnaa.

Nicholas Kay, waxa uu kula taliyey Ciiddanka Ahlu Suna Wal Jameeca inay ka soo baxaan magaalladda Dhuusamareeb, isla markaana ay fursad siiyaan Wada hadal Nabadeed.

“Waxaan ku boorinayaa Ciiddanka Ahlu Suna Wal Jameecca inay ka soo baxaan deegaanadii ay dhawaan qabsadeen, iyadoo dhamaan wixii Aragti lagu kala duwan yahay lagu xalinayo Wada hadal nabadeed iyo isku-tanaasul” ayuu yiri Nicholas Kay.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay waxa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyadda inay xushmeeyaan Xabbad-joojintii Guri-ceel ee la kala saxiixday Shantii bishii Maarso ee la soo dhaafay iyo in la joojiyo wax kasta ee sii hurin kara colaadda.

Ambassador Nicholas Kay waxa uu baaqiisa ku sheegay inay QM ka go’an tahay inay Ummadda Soomaaliyeed kala shaqeeyaan Nabadda Qaranka iyo dadaalka Dib-u-dhiska Dowladnimo.

Xigasho: UNSOM

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor