QM oo ka hadashay dilkii Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee Xukuumadda Somalia.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating  ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilkii Wasiir Cabaas oo xalay lagu dilay agagaarka Xarunta Villa Somalia.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka, waxa uu Michael Keating ku sheegay inuu falkaasi yahay naxdin laga argagaxo iyo guul-darro  weyn oo soo gaartay Soomaalida.

Waxa kale oo uu sheeM u tacsideynaysao dhamaan Qoyskii iyo Saaxiibadda uu ka baxay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee XFS, Marxuum Cabaas C/llaahi Siraaji, kaasi oo goor dhow Aas Qaran loogu samayn doono magaalladda Muqdisho.

Allaha U Naxariiste, Marxuum Cabaas C/llaahi Siraaq waxa uu ahaa Wasiirka ugu da’da yar ee ka tirsanaa Xukuumadda Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre.

 ©Radio Dalsan