QM oo Kenya kala hadashay arrimaha Qaxootiga Soomaalida

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa kala hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool xerada Dhadhaab.

Ban Ki Moon ayaa ugu horeyn ku amaanay Kenya doorkii ay ka qaadatay martigelinta qaxootiga iyo waqtigii ay ku bixisay iney gudaha dalkeeda ku nooladan.

Sido kale Ban ki Moon waxa uu Kenya ku booriyay iney Soomaaliya iyo Hey’adda Qaxootiga ee UNHCR sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii ay hore u gaaran ee ku saabsanaa dib u celinta qaxootiga.

QM waxa ay hore u shaacisay iney Kenya iyo Soomaaliya ka taageeri doonto dib u soo celinta qaxootiga.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor