QM oo ka digtay Maraakiibta loo fasaxay inay ka kalluumeystaan Xeebaha Somaliland.

Shirkad uu leeyahay Xoghayihii hore ee Kalluumeysiga ee dalka Britain, Tony Baldry ayaa lagu eedeynayaa inuu dib u soo kicinayo Hawlihii Burcad-baddeeda Soomaalida, kadib, markii uu Shirkad uu madax ka yahay oo lagu magacaabo Anglo-Somaliland Resources (ASL) bilowday inay Fasaxa Kalluumeysiga siinaysa Maraakiibta Shisheeyaha ee ka jilaabanayo Xeebaha ka baxsan Somaliland.

Warbixin Golaha Ammaanka ee QM loo gudbiyey oo ay soo qoreen Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Hubka ee Somalia iyo Eritrea waxay walaac xooggan ka muujiyeen inay Tallaabadaasi lagu bixinayo Xuquuqda Kalluumeysiga dhalin karto carro ka timaado Kalluumeysatadda Maxaliga iyo Bulshooyinka Xeebaha deggan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in sidii ka dhacday Goballadda kale ee Somalia inay tani horseedi karto iska horimaad dhex maray Kalluumeysatada Shisheeyaha iyo dadka Deegaanka, xitaa ay dhici karaa falal Burcad-baddeednimo.

somalilandQandaraaska Shirkadda ASL Maamulka Somaliland ayaa dhigaya in 40% Raasamaalka ka soo xerooda Laysimadda Kalluumeysiga la siinayo Maamulka Somaliland oo iyadu oggolaatay in ay Maraakiibta Kalluumeysiga sannadkiiba ka jilaaban karaan Badda Somaliland kalluun culayskiisu guud dhan yahay 250,000 oo tan.

Dhinaca kale, Tony Baldry waxa uu gaashaanka ku dhuftay Warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna tilmaamay inuusan Qandaraasku  ahayn inay fuliyaan Maamulka Kalluumeysiga, balse uu yahay sidii uu Maamulka Somaliland uga taageeri lahaa helitaanka Laysinadda Suuqyadda Kalluumeysiga Dibedda oo ay Maamulka Somaliland ku adag tahay inay keligooda sameeyaan.

Tony Baldry waxa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo qiimaha Laysinka Kalluumeysiga ee Xeebaha Somaliland, wuxuuna ku guul-daraystay inuu xitaa iibiyo hal Laysin, maadaama ay Shirkadaha Shisheeyaha ee Kalluumeysiga weli cabsi dhinaca ammaanka ka qabaan inay ka kalluumeystaan Badda Somaliland.

Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain ayaa ka digay cabsida xooggan ee Argagixisadda iyo Afduubka ee ka jira Somaliland.

Dhinaca kale, Xoghayihii hore ee Kalluumeysiga ee Britain, Tony Baldry waxa uu beeniyey qiyaasta QM ku sheegtay in Qandaraaska dhigayo in 250,000 oo tan oo Kalluun ah sannadkiiba laga jilaabanayo Somaliland, wuxuuna xusay inaan Kalluun intaasi la eg laga heli karin Xeebaha Somaliland oo keliya.

Waxa uu tilmaamay inaysan Maamulka Somaliland keligooda awood u lahayn inay  maamulaan Nidaamka Kalluumeysiga, inkastoo ay ka jirto Nabad aad u wanaagsan.

Xigasho: Telegraph.co.uk

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor