QM oo ka digtay inay kumanaan carruur Soomaali ah u geeriyoon karaan macluul.

 

Madaxa QM ugu qaabilsan Arrimaha Gargaarka Somalia, Peter de Clercq ayaa sheegay in ka badan 58,000 oo Carruur Somalia ah u geeriyoon karaan Macluul, haddii aysan helin Gargaar Degdeg ah.

“Heerka Nafaqo la’aanta, gaar ahaan carruurta dhexdooda waxay gaartay meel khatar ah, iyadoo ku-dhawaad 305,000 oo carruur da’dooda ka hooseyso shan sanno ay aad u fuuq baxeen” ayuu yiri Ergaygaasi.

Peter de Clercq22Waxa uu intaasi ku daray in Deegaannadda Waqooyiga Somalia, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland aad u saamaysay Macluul daran.

Digniintan ka soo yeertay QM ayaa ku so obeegmaysa iyadoo dalka Ethiopia ku habsadeen Abaarihii ugu xumaa muddo 30-sanno ah.

Ugu yaraan 10.2 million oo qof oo Ethiopian ah ayaa u baahan Gargaar Cunto, waxayna QM ka digtay inay tiradaasi sii laba jibaarmi doonto muddo dhowr bilooda gudaheeda.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor