QM oo ka digtay inay 17 million oo Yemeniyiin soo wajahi doonto macluul.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa digniintaasi ka sheegay Shir Kaalmo loogu ururinayo Yemen oo lagu qabtay magaalladda Geneva, halkaasi oo ay Deeq-bixiyaasha bllan qadeen inay bixin doonaan Lacag ku dhow 1.1 Billion oo Dollar.

Wax uu tilmaamay in loo baahan yahay in Gargaar Degdeg ah lala gaaro dadka ku macluusan, iyadoo in ka badan 2 million oo Carruur ah ay nafaqo-xumo ku hayso dalkaasi.

Dhinaca kale, QM iyo Dowladda Raashiya ayaa ku baaqay inaan la xirin Dekedda magaalladda Xudeydah oo ah Dekedda keliya ee laga dejiyo Badeecadaha muhiimka.

Waxay ugu baaqeen Isbahaysiga Sacuudiga iyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta inaysan duqeynin Dekedaasi.

©Radio Dalsan