QM oo fududeynayso Kharajkii Dowladda Kenya kaga baxay Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

QM ayaa dabcisay baaritaankii adkaa ee ay ku xaqiijinaysay Qaan-sheegtadda Dowladda Kenya ee Kharajka kaga baxay Hawlgalka lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

QM waxay Dowladda Kenya ku wareejin doontaa  Lacag dhan 22.5 million oo Dollar oo ay Dowladda Kenya ku kharaj-gareysay Hawlgalka ay Ciiddankooda kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab wixii ka dambeeyey bishii June ee sannadkii 2012-kii.

Kharajkaasi ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inay QM ku wareejiso Safiirka Kenya u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York, inkastoo aan weli la bixinin lacagahaasi.

Dukumentiga Maaliyadda ee dalkaasi ayaa waxay muujiyeen in dib-u-dhigista Bixitaanka Lacagahaasi ay waxyeello ku hayeen Kharajka Hawlgalkaasi ee bilihii la soo dhaafay.

Kharajka Dib-u-bixinta ee ay QM siinayaan Dowladda Kenya inay xiriir la leedahay Qorshaha QM ee lagu xaqjiinayo Sheegashada Kharajka ay Dowladda Kenya kaga baxay Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia.

Askariga Kenyaanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa bil kasta la siiyaa mushaar dhan 1,028 Dollar oo u dhiganta 88,408 Kenya Shillings.

Bishii October ee sannadkii 2011-kii ayey Dowladda Kenya waxay 4,660 Askari u soo direen gudaha Kenya, kadib, markii ay kordheen weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Sannadkii 2012-kii, Golaha Ammaanka ee QM ayaa Nalka Cagaaran u shiday Kenya, si ay Ciiddankooda qeyb uga noqdaan Hawlgalka AMISOM, iyadoo laga saacidayo Kharajka ku baxa Ciiddankaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor