QM oo dardar-gelinayso Xafiiskooda Taageerista Somalia ee UNSOS

Kulan Heer Wasiir oo ka kala socday 15-ka Waddan ee xubnaha joogtadda ka ah Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxa uu xalay ka dhacay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York ee dalka Maraykanka.

Kulankaasi ayaa waxaa lagu lafa-gurayey Xaalladda Kacsan ee dalka Burundi iyo Dib-u-eegista Xafiiska QM ee Taageeridda Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia ee UNSOA.

Muhiimadda Shirka ee Doorka QM ee Arrimaha dalka Somalia ayaa ahayd in la soo saaro Qaraar cusub oo dhabaha ugu xaarayo Dhismaha Xafiiska cusub ee QM ee Taageerista Somalia .

Qaraarka tirsigiisu yahay 2245 ayaana lagu ansixiyey Dhismaha Xafiiskaasi QM ee Taageerista Somalia “The United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

Ansixinta Dhismaha Xafiiskaasi ayaa waxay timid, kadib, markii ay xubnaha Golaha Ammaanka ay 6 sanno kadib dib u eegeen  Hawlaha Kooban ee Xafiiskii QM ee Taageeradda AMISOM (The United Nations Support Office for AMISOM eeUNSOA.

Xafiiska cusub ee UNSOS waxaa hortaalla Shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan tahay Taageeridda Nabadda iyo Horumarka Somalia iyo in si mideysan indhaha loogu hayo Ciiddanka AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda Somalia.

Xafiiska UNSOS waxaa uu qaadayaa mas’uuliyadda Ciiddanka AMISOM oo tiradooda guud dhan tahay 22,126 Askari iyo Ciiddanka Dowladda oo tiradooda rasmiga lagu sheego 10,900 Askari.

Diplomaasiyiinta QM ayaa rumeysan inay Xaalladda Somalia wax iska beddeleen, marka loo eego Xaalladihii jiray wixii ka dambeeyey sannadkii 2006-dii.

Waxayse Diplomaasiyiintu saluugsan yihiin Tadawarka Hawlgalka AMISOM oo iyagu Somalia joogay tan iyo sannadkii 2007-dii, balse aan weli ka faraxalanin Hawlgalka Alfa Wa Layla ee ay kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab.

Khubarada Milliteriga ayaana rumeysan inay AMISOM iyo Alshabaab isku quwad yihiin, marka loo eego Sannadaha badan ee ay ku kala bixi la’ yihiin Goobaha Dagaalladda.

Caqabadaha Horumar la’aanta ayaana u muuqata mid la isku tuurtuurayo, waxayna Saraakiisha Ciiddanka Uganda ee UPDF rumeysan yihiin inay qaar ka mid ah Askarta ay u tababareen Dowladda Federalka inay ku biireen Dagaalamayaasha Alshabaab, kadibna ay kala hor-yimaadeen Shaxda Dagaalka ee ay UPDF ka barteen.

Gurxanka ugu weyn ayaa waxa soo if-baxay Dagaalkii bilowgii bishii October ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigii Ciiddanka Uganda ee Degmadda Jannaale ee Gobalka Sh/hoose, kaasi oo la sheegay in Askar badan looga dilay AMISOM.

Markaynu u soo laabano Xafiiska cusub ee QM ee Somalia ee ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM xalay ansixiyeen ayaa lagu tilmaami karaa guul u soo hooyatay Dowladda Federalka, iyadoo ay Goluhu sheegeen inay Somalia haatan ka najaxday Heerkii Dowladaha Fashilmay, isla markaana ay ka mid noqotay Dowladaha soo kabanayo (The Recovered States).

Dowladda Federalka wey la dhacsan yihiin Saadaasha wanaagsan ee QM ka bixinayso Xaalladda Somalia,  inkastoo aysan farri ka qodnayn  guul laga gaaray La-dagaalanka Musuqa iyo Hiigsiga Nabadda Somalia.

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor