QM oo Cambaareesay Weerarkii Hotel Maka Al Mukarama ee Muqdisho

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Key ayaa Cabaareeyay Weerarkii Al shabaab ay shalay ku qaadeen Hotelka Maka Al Mukarama Ee Magaalada Muqdisho.

Mr Key ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid aad xun Waxaana uu tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday Weerarkii Galinkii Dambe ee Shalay ka dhacay Hotelka Maka Al Mukarama ee degmadda Hodan.

Danjiraha ayaa Sheegay in uu Aad uga xumaaday Markii uu Maqlay Geerida Safiirkii Dowladda Soomaaliya u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee  Jeneva, Mudane  Yusuf Maxamed Ismaaciil (Bari- Bar).

Weerarkii Shalay ee Hotelka Maka Al Mukarama Ayaa Waxaa ku Geeriyooday in kabadan 10 ruux Halka ku dhawaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor