QM oo bogaadisay Hawlgalka ay Maamulka Puntland kaga hortageen duullaankii Alshabaab.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa Maamulka Puntland ku bogaadiyey sida ay uga hortageen Alshabaab, wuxuuna si kulul u caambaareeyey weeraradda ay Alshabaab bishan 14-dii ka bilaabeen Deegaanno ka tirsan Maamulka Puntland.

“Waxaan ku bogaaadinayaa sida ugu dhaqasaha badan ee ay Ciiddanka Puntland  uga jawaabeen weeraraddii dhawaan ay Alshabaab ku soo qaadeen” ayuu yiri Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating, waxa kale oo uu soo dhaweeyey Taageearadda ay Dowladda Federalka Somalia u fidiyeen Puntland.

Ergayga waxa u uhoosta ka xariiqay  sida loogu baahan yahay in dhamaan Ciiddamadda Hubeysan ee ku sugan Somalia si loogu guuleysto dagaalladda lagula jiro Kooxaha uu ugu yeeray Xag-jirayaasha, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ergayga waxa kaloo uu walaac ka muujiyey wararka sheegayo inay Alshabaab shalay weerareen labo fariisin oo ay Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Federalka ku leeyihiin Degmadda Afgooye ee Gobalka Sh/hoose.
Ugu dambeyntii, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa uu sheegay inay Beesha Calaamka garab istaagi doonaan Dadka Somalia, isla markaana ay sii wadi doonaan taageeradda ay siiyaan Ciiddanka dalka ee dagaalka kula jira waxa u uugu yeeray Argagixisadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sannadkan yahay Sannadkii Go’aanka iyo Kala Guurka ee Somalia.
©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor