QM iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo dhigiisa Midowga Afrika, Mussa Faki Mohamed ayaa Kulan ku yeeshay Xarunta QM ee magaalladda New York, iyadoo Kulankaasi qeyb ka yahay Shirweynaha u socda QM iyo AU-da.

Labada Xoghaye guud waxay Kulankooda kaga hadleen Xaalladdaha ka taagan dhowr Waddan, o oay ku jiraan Somalia, Libya, Mali iyo frikadda Dhexe iyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Kooxda Boko Haram.

Antonio Guterres waxa uu si gaar ah uga hadlay Hawlgalka AMISOM, isagoo sheegay inuusan Hawlgalkaasi ahayn mid ku kooban dhanka Nabadda, balse loo baahan yahay in lagu guuleystay Taabagelinta Nabadda.

Waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay kordhiyaan Taageeradda la siinayo Hawlgalka AMISOM, isagoo ku taliyey in lagu taageero Tabarucaadda muhiimka.

Sidoo kale, Antonio Guterres waxa uu ka hadlay Muhiimadda Shirwaynaha 1-aad ee QM iyo Ururka AU-da, isagoo sheegay inuu Shirkaasi yahay mid xoojinayo Iskaashiga Labada dhinac.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media