QM iyo Maamulka Somaliland oo kulan ka yeeshay Qaxootiga ka soo cararayo dagaalladda dalka Yemen

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somaliland ee W/galbeed ee dalkeenna Somalia, Mohamed Biixi Yoonis iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Qaxootiga (UNHCR) ayaa kulan ku yeeshay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.

Labada dhinac waxay ka wada xaajoodeen sidii loo taageeri lahaa Qaxootiga doonyaha ku soo gaara Xeebta magaalladda Berbera, waxayna Saraakiisha UNHCR shaaciyeen inay wax u qaban doonaan Qaxootiga ku soo jabay Somaliland.

Boqolaal Qaxooti Yemeniyiin iyo Somali ka soo cararayo  dagaalladda ka socda dalka Yemen ayaa waxay si joogto ah soo gaarayaan Dekeddaha Berbera iyo Bosaaso.

Dhinaca kale, Waddanka Jabuuti waxaa gaaray Qaxooti Yemeniyiin oo lagu qiyaasay 8,900 oo qof oo u badan carruur iyo haween.

Hay’adda  kaalmeeysa Qaxootiga ee lagu magacaabo Gift of the givers foundation ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalladda ka sii socda dalka Yemen iyo dhibaatooyinka nololeed ee soo wajahay dadka Yemeniyiinta ee ka soo qaxayo dagaalladaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor