QM iyo Kenya oo ka wada hadlaya Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku sugan dalkaasi

QM ayaa sheegtay inay qorsheynayaan sidii ay Dowladad Kenya ula geli lahaayeen wada-xaajood la xiriira Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xerooyinka Dhadhaab.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, Willaim Rutto uu amar ku siiyey Hay’adda UNHCR inay muddo saddex bilood gudaheeda dib ugu celiyaan Qaxootiga Soomaalida gudaha dalkooda hooyo.

Afhayeenka UNHCR ee Kenya, Emmanuel Nayabera ayaa horey u sheegay inay Warbaahinta ka maqleen amarka William Rutto, isla markaana aysan helin qoraal rasmi ah oo ku saabsan arrintaasi.

Afhayeenka waxa uu rajo ka muujiyey wada-xaajoodka cusub ee ay la gelayaan Dowladda Kenya, isagoo xusay inay gaari doonaan wax u ugu yeeray Xal Saaxiibtinimo (An friendly solution).

Dhinaca kale, Afhayeenka Xafiiska UNHCR ee Kenya waxa uu xusay inaysan QM haynin caddaymo muujinaya inay Xeradda Qaxootiga Dhadhaab loo adeegsado xero lagu tababaro waxa loogu yeero Argagixisadda.

Xeradda Dhadhaab waxa ku nool ku-dhawaad nus malyan qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo ka soo cararay dagaalladdii ka dhacay Somalia tan iyo sannadkii 1991-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor