QM iyo INTERPOL oo sheegay in Ganacsiga Dhuxusha iyo Foosha Maroodiga lagu maalgeliyo Colaadaha Hubeysan ee Afrika.

Warbixin Cusub oo ay soo saareen Hay’adda QM ugu qaabilsan  Barnaamijka Deegaanka (UNEP) iyo Boliska Caalamiga ee INTERPOL ayaalagu  sheegay in Maleeshiyooyinka iyo Kooxaha hubeysan lagu maalgeliyo Ganacsiga Kontorobaanka ee Dhuxusha iyo Foosha Maroodiga.

Warbixintan oo lagu daabacay Wargeyska The Atlantic ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa lagu muujiyey in Ganacsiga sharci-darradda ee Duur-joogta iyo Kheyraadka Dabiiciga sannadkiiba laga macaasho lacag dhan 213 Billion oo Dollar, isla markaana Lacagtaasi lagu maalgeliyo Kooxaha Hubaysan ee dagaalladda ka wada qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Ganacsiga Sharci-darradda ee laga helo maalgelintaasi ku jiraan Kalluunkja, Macdanta, Dhoofinta qaar ka mid ah Duur-joogta iyo Dhirta.

 

Warbixinta QM iyo INTERPOL waxaa lagu sheegay in Ganacsiga Sharci-darradda ay si xawli ah uga socoto Bartamaha iyo Koonfurta Afrika, isla markaana ay Maleeshiyadda ka dagaalanta dalalka South Sudan iyo Kongada Dimuqraadiga  iyo Kooxda LRA-da ee ka dagaalanta Uganda ay dakhli xooggan ka gelaan Foosha Maroodiga, Geedaha laga dhigto Alwaaxda iyo Ganacsiga Dhuxusha.

Warbixinta QM iyo iNTERPOL waxaa kaloo lagu xusay inay hayaan  ilo caddaymo ah oo muujinaya inay Dagaalamayaasha Alshabaab  iyo Maleeshiyadda dalka Kongada Dimuqraadiga si sharci-darro ah u dhoofiyaan Shixnado Dhuxusha, waa sida lagu xusay Warbixin ay sida wadajirka u soo saareen QM iyo Boliska Calaamiga ee INTERPOL.

 

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media