QM iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay Arrimaha Somalia iyo Wada shaqeynta labada dhinac.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating iyo Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa kulan Khaas ah ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Safaaradda Imaaraadka ku leeeyihiin magaalladda Muqdisho.

Labada Mas’uul waxay si qoto dheer uga hadleen Xaalladda Somalia iyo xiriirka u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Xafiiska QM ee Somalia.

UAE NEWS AGENCYWarkan oo ka soo xiganay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxa uu Michael Keating uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta dadaalkooda ku aadan Taageradda kala duwan ee  ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa kaloo uu ammaanay Taageeradda Imaaraadka ee dhinacyadda Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa kale oo uu dib u xaqiijiyey  inay ka shaqeyn doono Xiriir Iskaashi oo dhex mara Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo Xafiiska QM ee Somalia.

Dhinaca kale, Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Dalka Somalia  uga mahad celiyey, kuna bogaadiyey waxqabadkiisa  ku aadan inuu taageero Dadaalka Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor