Qiimeynta Dhegeystayaasha Radio Dalsan iyo Xiiseynta Barnaamijyadda.

Koox Weriyayaal oo ka tirsan Radio Dalsan ayaa waxay qiimeyn dhamaystiran ku sameeyeen qaabka ay Dhegeystayaasha ugu xiiso og yihiin Barnaamijyadda Maalinlaha iyo kuwa Toddobaadlaha ee ay Idaacadda baahiso.

Ilaa 300 Dhegeyste oo ku nool Muqdisho iyo Goballadda kale ayaa la hor dhigay inay kala doortaan Barnaamijyadda ay ka xiiseeyaan Radio Dalsan, waxayna doorashadooda u dhacday sidan:-

  • Barnaamijka Sport-ga 71% ayaa u codeysay.
  • Barnaamijka Wareegga Wararka ayaa ku xigay, oo celcelis ahaan ay u codeeyeen 69%
  • Barnaamijka Dunida iyo Maanta oo ay 54% u codeeyeen.
  • Barnaamijka Sheeko Gaaban ayaa taageero xooggan ku dhex leh Dhegeystayaasha, waxayna aad ula socdaan Barnaamijyadda Silsiladaha Sheekadda, waxaana u codeysay inta badan Dhegeystayaasha Dhallinyaradda ee ku taxan Radio Dalsan.
  • Barnaamijyadda Toddobaadlayaasha, siiba Barnaamijyadda Doodda Jimcaha, W/barashadda, Haweenka iyo Caafimaadka ayaa iyagana Dhegeystayaal badan u codeeyeen.

Markaynu eegno, Dhegeystayaasha waxay kaloo  si wadajir ah ugu codeeyeen Dhegeysiga Barnaamijka Casharka Tafsiirka Qur’aanka oo si joogto uga baxa Radio Dalsan, isla markaana ay Dhegeystayaal badan la socdaan Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka.

Haddaynu eegno, Dhegeystayaasha waxay kaloo aad ugu taxan yihiin Wararka ka baxa Idaacadda Dalsan, iyadoo qiimeynta lagu ogaaday in saddexdii Dhegeyste mid ka mid ah uu ku xiran yihiin Radio Dalsan, gaar ahaan Wararka aynu sii dayno.

Aqlabiyad ahaan, Xilliyadda Wararka iyo Xilliyadda Barnaamijka Wareegga Wararka ayaa la dareemi karaa baaxadda Dhegeystayaasha Idaacadda.

Waxay Dhegeystayaasha rumeysan yihiin in Radio Dalsan baahiyaan Warar aad u horeeyey (Update ah), Faahfaahsan, Dheelitiran, isla markaana leh Xigasho (Source) Sugan.

Wararkaasi oo ay soo tebiyaan Qeybta Warqabadka, Weriyayaasha Goballadda iyo Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Idaacadda Radio Dalsan ku kasbatay, isla markaana markhaati laga yahay in Idaacadaha kale kaga horreeyaan Baahinta Wararka xilliga ay Taagan yihiin.

Waa marag-ma-doonto in Warar ay Radio Dalsan sheegtay 24-saac ka hor inay Idaacado kale u yahay War cusub oo ay Warka Madaxdiisa ku sheegaan, Waxay Soomaalida horey  ugu maahmaahday: “War la qabo, Xiiso Ma Laha”.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor