(Qiimeyn): Somalia oo kaalinta 167-aad ka gashay Qiimaynta Xorriyadda Saxaafadda ee 2017.

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn “Reporters Without Borders” oo Xaruntiisa Dhexe ku taalla Caasimaadda dalka Faransiiska ee Paris waxay maanta saareen Qiimeynta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka ee sannadkan “2017 World Freedom Press Index 2017”.

Qiimaynta waxaa lagu sameeyey 180 Waddan oo isugu jira kuwo Suxufiyiinta lagu xushmeeyo iyo kuwo Talis Keliyayaal ka jiraan oo caburiya Suxufiyiinta, lagana oggolayn Xorriyadda Saxaafadda.

Qiimeynta waxaa Kaalimaha hore loo kala helay sidatan:

  1. Norway
  2. Sweden
  3. Finland
  4. Denmark
  5. Netherland (Holland)
  6. Costa Rica
  7. Swiyzerland
  8. Jamaica
  9. Belgium
  10. Iceland

Markaynu eegno Qiimeynta Xorriyadda Saxaafadda ee dalalka Qaaradda Afrika ee sannadkan waxaa ugu horreysa dalka Nambia oo kaalinta 24-aad ka gashay Liiska 180-ka Waddan ee Kala-horeynta Qiimaynta ee 2017 World Press Freedom Index.

Dalalka kale ee Afrika ee safka hore ka galay Qiimayntaasi waxaa ka mid ah Ghana o ogashay Kaalinta 26-aad iyo Jesiiradda Cape Verde oo gashay Kaalinta 27-aad.

Liiska Afrika ee 10-ka sare (Africa’s top 10 list) waxaa kale oo ka mid ah dalalka South Africa, Burkina Faso, Botswana, Mauritania, Mauritius, Madagascar iyo Senegal.

Qiimaynta Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn “RSF” oo soo taxnayd tan iyo sannadkii 2002-dii, waxaa lagu qiimeeyaa Heerka Xorriyadda Warbaahinta, Xushmadda, Badbaadada iyo Xorriyadda Suxufiyiinta.

Haddaba, dalkeenna Somalia oo ka mid ah dalalka Tacadiyadda iyo Caburinta kala kulmaan Suxufiyiinta waxa uu Qiimeyntaasi ka galay Kaalinta 167-aad, waxayna taasi muujinaysaa inaysan Suxufiyiinta hab-dhowr Wanaagsan ku helin Shaqadooda, isla markaana ay ku shaqeeyaan Waayo Dareen Cabsi xambarsan.

Qiimeynta Ururka Suxufiyiinta ee RSF waxay Somalia kga jirtaa Kaalinta 167-aad, waxaana ka hoos maray 11 Waddan oo kala ah: Sacuudiga, Usbekistan, Los, Equatorial Guinea, Djibouti, Cub, Sudn, Vietnam, China, Syria, Turkmenistan, Eritrea iyo North Korea.

Halkan ka dheeho Qiimeynta oo dhamaystirn: 2017 World Press Freedom Index.

 Xigasho: RSF

©Radio Dalsan