Qeylo-dhaan: Awoodaha Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedka ku saxiixayaan Xildhibaanadda la soo dooranayo.

Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ee ku mideysan Madasha Wada-tashiga Qaranka waxay shalay  si wadajir u soo saareen War-murtiyeed culayska lagu saaray Hannaanka Doorashooyinka dhici doona dabayaaqadda sannadka iyo Awoodaha Gaarka ee ay Madaxda Maamul-gobaleedyadda loo siiyey Saxiixa Kama-dambaysta ee Xildhibaanadda ku guuleysta Doorashooyinka Heerka Deegaan.

Qoddobkaasi waxaa ka gilgishay Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku tilmaamay Qoddobkaasi mid xadgudub ku ah Xuquuqda Dastuuriga ee Muwaadiniinta Soomaalida ee isku soo taagayo Doorashaddaasi.

Xildhibaan Cabdi Xoosh Jibriil oo ka soo jeeda Beelaha wax ka degta Maamul-gobaleedka Puntland ayaa ka digay in Awoodda Khaaska ee la siiyey Madaxda Maamul-gobaleedyadda tahay mid ay u adeegsadan karaan inay soo xushaan Xildhibaanadda ay isku mowqifka yihiin iyo kuwa ay Haybad-waada yihiin.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ee aysan weli Dowladda Federalka aqoonsi siinin, Prof. Cali Khaliif Gallaydh ayaa isagana Saluug-xumo ka muujiyey Awoodda Khaaska ee War-murtiyeeda Madasha Wada Tashiga Qaranka siiyeen Madaxda Maamul-gobaleedyadda.

Prof. Cali Khaliif Gallaydh oo mar soo noqday Ra’isul-wasaarihii Xukuumaddii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku qanacsanayn  inay Musharixiinta Reer Khaatumo saami fiican ka heli doonin Maamulka Puntland oo ay ka dhexeyso Xurguf Siyaasadeed iyo mid Deegaameed.

Siyaasiyiinta kale ee ka soo kala jeeda Gelinsoor, Goldogob, Laas Caanood iyo guud ahaan Gobalka Sool ayaa raajo-beel ka muujinayo Awoodda Madaxweynaha Puntland ku saxiixayo Xildhibaanadda la soo doortay.

“Siyaasi kasta oo Siyaasadda Madaxweynaha Puntland mucaaradsan ma muuqato inuu ka mid noqon doono Xildhibaanadda cusub ee la soo dooranayo” ayuu yiri Aqoonyahan Reer Puntland ah oo  tilmaamay inuu Madaxweyne Gaas u muuqdo Nin xarash siyaasadeed u haya Xildhibaanadda aysan isku mowifka ka ahayn Khilaafyaddii Dowladda Federalka iyo Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Cabashadda Siyaasiyiinta kuma koobna kuwa ka soo jeeda Goballadda W/bari Somalia, haddana waxa uu guux noocaasi ah ka soo baxayaa inta badan Siyaasiyiinta aysan jaalka ahayn Madaxda Maamul-gobaleedyadda kale, oo iyaga awood loo siiyey saixiixa ugu dambeeya ee Xildhibaanadda laga soo dooran doono Maamul-gobaleedyadda haatan dhisan iyo kuwa haatan la dhoodhoobayo.

@Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor