Qaxootiga Soomaalida ku nool Jabuuti oo laga haqabtirayo Biyaha nadiifka ee la cabo.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay Qaxootiga Soomaalida ku jira Xerooyinka dalka Jabuuti u qodi doonaan 23 Ceel-biyood, si ay u helaan biyo nadiif ah oo ku fiican cabitaanka.

Ra’isul-wasaaraha Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed iyo Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Sacuudiga ee Kaalmadda, Mubaarak Bin Saciid Al-bakar, Diplomaasiyioin iyo Madaxda Hay’addaha Samafalak ayaa ka qeyb galay Munaasabadda looga dhawaaqay Qodista Ceel-biyoodka u gaarka ah Qaxootiga Soomaalida ku nool Jabuuti.

Fulinta Mashruucaasi waxaa ka faa’ideysan doonta Kumnaan Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo u mahadceliyey Madaxda Boqortooyadda Sacuudiga.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay 539 million oo Riyaal ugu deeqeen Qaxootigaasi 25-kii sannadood ee ay Qaxootiga ku yihiin gudaha dalka Jabuuti.

Cimilladda Jabuuti ayaa ah mid aad u kulul, waxayna kaabiga ku haysaa Xeebta Badda Cas.

© Radio Dalsan                

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor