Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalka Hindiya oo la diiwaan-geliyey

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) iyo Boliska magaalladda Heyderabaad ee dalka Hidniya ayaa sheegay inay dhamaystireen Diiwaan-gelinta Xogta Qaxootiga ku nool magaalladaasi oo tiradooda lagu sheegay 1,761 qaxooti shisheeye ah, oo ay ku jiraan 168 Somali ah.

Diiwaan-gelintan ayaa timid, kadib, markii la ogaaday inay Qaxooti badan oo aan sharci lahayn ku nool yihiin Heydarabaad, loona baahan yahay in la wada diiwaan geliyo.

Boliska Hindiya ayaa sheegay in Qaxootiga ka yimaada Qaaradda Afrika ay badankooda ku soo galaan dalka Hindiya Fiisooyinka Ardaynimo, kadibna waxay Qaxooti ahaan isaga dhiibaan Xarumaha Hay’adda UNHCR.

Dhinaca kale, Qaxootiga shisheeyaha ee ku nool magaalladda Haydarabaad ee dalkaasi ayaa la sheegay inay qabtaan shaqooyinka ay ka soo saartaan Nolol-maalmeedkooda.

Bishii hore ayey ahayd, markii ay boliska Heydarabaad gacanta ku dhigeen Dhallinyarro Somali oo la sheegay inay sameeyaan Dukumentiyadda Been Abuurka, sida Waraaqaha Aqoonsiga, Fiisooyinka iyo Dukumentiyadda socdaalka.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor