Qaxootiga soomaalida ah oo helay Nolol raaxo leh, kadib markii ay kasoo tageen xeradda Dhabab ee Kenya

Fatima waxaa ay shaax ka iibisaa macaamiisheeda oo aad u jecel, waxaana goobteeda shaqo ay ku taalaa Magaalada Muqdishu ee caasimada soomaaliya.

Waxaa ay Hooyadaan ay mudo shan sano ah ay ku nooleed xirada Qaxootiga ee dalka Kenya ee Dhadhaab, halkaasoo ay ku quudin jireen UNHCR iyo hey’addo kale.

“ waxaan kusoo laabtay dalkeeyga hooyo ee soomaaliya, waxaan ahaa Qaxooti mudo shan sano ah, laakiin waxaan aad ugu faraxsanahay iminka in aan kusoo laabto dalkeeyga hooyo ee soomaalia, waxaan iminka heystaa nolol raaxo leh waxaana ii yimaada maalin walba Macaamuul jecel shaaxa aan iibiyo ayeey tiri” Fatima oo ha dashay.

Fatima waxaa ay kamid aheed 4,000 oo Qaxooti soomaali ah oo si iskooda ah u dalbaday in dalkooda loogu celiyo kuwasoo ku noolaa xerada Qaxootiga ee Dhabab, waxaan laga soo kaxeeyay Kenya bishii December ee sanadkii aan kasoo gudubnay, kadib markii ay heshiis wada jir ah ay wada saxiixdeen dowladaha Kenya, soomaaliya iyo Hey’adda QM uqaabilsan dhinaca Qaxootiga ee UNHCR.

“Ku Iibinta shaaxa wadooyinka, ma ahan mid wanaagsan oo aad sameyo, laakiin markii aad joogto dalkaaga hooyo ee soomaaliya waxba ma ahan, waxaana u arkaa mid raaxo leh, ayeey sidoo kale sheegtay Ms Fatima.

Intii ay ku guda jirta sheekadeeda waregsiga ah ayaa ay sheegtay in ay soomaaliya uga qaxday dagaalo sokeeye, waxaana y ku dartay in ay hantideeda ay ku baaba’een islamarkaana ay ku shaqo beeshay sidaasi oo kalena ay seygeedii uu ku dhibaatoowda, iyo qaar kamid ah carruurteeda, oo xiligaasi ay Naas-juujin ku jray, waana ay Ilmeeysay markii ay dib ugocotay dhibaatooyinkii soomaaliya.

“ waxaa dagaalada soomaaliya iigaga geeryooday Seygeyga, mudii ku dhoweed 25 sano ee dagaalda sokeeye ay ka socdeen soomaliya, sidaasi darted hada waxaa Nool aniga kaligeysa oo ay iwehliyaan carruurteeyda”  ayeey sii raacisay hadalkeeda.

Malaayiin soomaali ah ayaa ufirxaday wadamada dareska la ah soomaliya intii ay socdee dagaalada sokeeye ee soomaaliya, kuwaasoo markii dambe ay soo miciin bideen in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan.

Dhinaca kale Sucado Muhudin waa 41-jir oo ah hooyo aysan ila joogin seygeeda, ayaa iminka waxaa ay ka shaqeysaa goob ganacsi oo uu leeyahay Adeerkeed oo ku yaala magaalada Muqdisho, kadib markii ay kasoo laabtay dalka Kenya ayaana ay biloowday hoowshaasi waxaana ay sheegtay in Nolol wanaagsan oo raaxo leh ay iminka ku heysato dalkeeda hooyo ee soomaaliya.

Waxaa ay shegtay in ay go’aansatay in ay dib udhisto dalkeeda soomaaliya.

“ Waxaan  u rabaa carruurteyda Nolol wanaagsan, sidaasi darteeda waxaan u shaqeeyaa si adag maalin walba, waxaan iminka ay carruurteeyda ay helaan waxbarasho wanaagsan iyo nolol hogaamin wanaagsan leh oo ka wanaagsan midii ay ku heysteen dalka Kenya “ ayeey sheegtay.

Dhinaca kale Mohamed Dalha, o ah Gudoomiyaha Gudiga Xiriirka Arimaha dibada Baarlamaanka dowlada soomaaliya ayaa usheegay wakaalada wararka ee Xinhua, in ay qorsheeynayaan in dadkaasi soo laabanaya ay helaan adeegyo muhiim u ah noloshooda.

“ waxaan ugu shaqeyneynaa si adag, oo aan ugu abureyno shaqooyin dadka go’aansaday in ay dalkoodu kusoo laabtaan.

Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ayaa bishaam sheegtay in hay’adu ay kasoo qaaday xerada qaxootiga ee Dhabaab ee ku taala woqooyi bari Kenya qaxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 4,108 qof bishii December ee sanadkii hore.

UHNCR ayaa ku sheegtay warbixinteeda Todobaadlaha ah in 250 qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu laabteen Soomaaliya iyagoo adeegsanaya gawaari halka 224 qof oo qaxooti ah laga caawiyey in ay diyaarad ku gaaraan Muqdisho.

Isku darka tirada qaxootiga ah ee hay’addu ay gacanta ka geysatay iney dadkaasi si mutadawacnimo ah u gaaraan Soomaaliya ayaa noqoneysa 4,108 qof.

 

UNHCR waxay sheegtay in  qaxooti tiradoodu tahay 4,878 la xaqiijiyey iney doonayaan iney ku laabtaan Soomaaliya iyadoo sheegtay iney xooga saareyso dib u celinta dadka baahiyaha gaarka qaba ee qoxootigaas ka mid ah doonayana iney si iskood ah ugu laabtaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo barakacyaasha Qaranka Soomaaliyeed Axmed C/kariin Nuur ‘’Axmed Daahir”, ayaa sheegay in Shir Caalami ah oo ku saabsan Qaxootiga Soomaalida Kenya lagu qabanayo bishaan gudaheeda Magaalada Nairobi.

Shirkaan oo lagu casuumayo Deeq bixiyaasha iyo Beesha Caalamka ayaa ujeedadiisa waxa ay tahay sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa Qaxootiga kasoo laabanaya Kenya

Si loo fuliyo qorshaha dib usoo celinta Qaxootiga Soomaalida Kenya, waxa  uu sheegay Axmed Daahir inay  muhiim tahay in in lala yimaado Qorsho howled  iyo nidaam loogu adeegayo Qaxootiga.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku yeelaya Xeryaha ugu waaweyn ee Qaxootiga Qaarada kuwasoo ubadan soomaali dalkaasi u cararay intii ay socdeen dagaalada sokeeye.

W/Q Hassan Ali Osman Istiila

Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor