Qaxootiga ka soo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia oo laga soo masaafurinayo dalka Finland

Hay’adda Socdaalka dalka Finland ayaa ka shanqarisay Qorshe lagu soo celin doono Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaasi, gaar ahaan kuwa Deegaan ahaan ka soo jeeda magaalladda Muqdisho, Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Hay’adda ayaa sheegtay inaan la soo wada celin doonin Soomaalida ka soo jeeda Deegaanadda ay Khataraha ka jiraan, si aysan Qaxootiga Dhibanayaal ugu noqonin colaadaha ka taagan qeybo ka mid ah Somalia.

Ku-dhawaad 1,900 Qaxooti Somali ayaa sannadkan gaaray dalka Finland, kuwaasi oo codsaday Magangelyo.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Hay’adda Socdaalka ee dalka Finland waxay soo bandhigtay Qorshe lagu soo celinayo Qaxootiga ka soo jeeda dalalka Somalia iyo Iraq, iyadoo Qaxootiga iskooda u laabanayo laga bixinayo Kharajka Diyaaradda, lana siin doono Kharaj uu noloshiisa ku maareeyo muddo dhowr bilood ah.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor