Qaxootiga ka tahriibayo Somalia ee gaara Yemen oo la sheegay in lagula kaco Xad-gudubyo iyo in dhiigga laga miirto.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa ku baaqday in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo Qaxootiga dhinaca Badda ka soo gala dalka Yemen.

Hay’addu waxay xustay inay sii kordheen tirada dadka Qaxootiga ka soo hayaamayo Geeska Afrika ee maciinka biday inay ku noolaadaan dalka Yemen oo ay ka jiraan Colaado iyo Xiisado dhinaca Aadminimadda.

Xafiiska UNHCR ee ay ku leeyihiin dalka Yemen ayaa sheegay inay bartamahii bishan November ay Yemen soo gaareen 105,971 Qof oo isugu jiray Qaxootti, Tahriibayaal iyo Magangelyo-doon.

17,293 Somali ah iyo 88,667 Ethiopian ah ayaa ka gudbay Gacan-biyoodka Cadmeed , kuwaasi oo markii ay dhulka gaareen la kulmay colaad, jir-dil iyo in dhiigga laga miirto.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Haweenka iyo Carruurta ay khatar ugu jiraan xadgudubka Kufsiga iyo in la sii tahriibiyo.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda UNHCR, Wiliam Spindler oo Saxaafadda kula hadlay magaalladda Geneva ayaa sheegay in kuwa ka soo gudbayo Badda laga yaabo in la siiyo warar qaldan oo ku aadan xaalladda dagaalladda Yemen ama ay rajo ka qabaan inay u sii gudbaan Dalalka kale ee Gacanka Carbeed.

Afhayeenka Hay’adda UNHCR, Wiliam Spindler waxa uu tilmaamay inay qorsheynayaan inay Olole Heer Gobaleed ka bilaabaan dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan dadka u soo tahriibaya Yemen, o oay ku jiraan dadka Soomaalida iyo Ethiopianka, kuwaasi oo looga digayo Khataraha Tahriibka iyo xaalladda ay la kulmaan marka ay Yemen soo gaaraan.

Afhayeenka waxa uu hoosta ka xariiqay inay maalgelin la’aan la soo gudboonaatay haysato Hawlaha ay Hay’adda UNHCR ka wadaan Geeska Afrika.

Xigasho: UN News Center

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor