Qaxooti Soomaaliyeed oo cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Xeryaha Kenya.

Ugu yaraan 10 qof ayaa u geeriyootay cuddurkaasi, iyadoo in ka badan kun kale la il daran yihiin, kadib, markii uu cuddurka Daacuunka ka dilaacay Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga, Osman Yussuf Ahmed ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP  inay Shaqaalaha Samafalka haatan ku hawlan yihiin sidii looga hortegi lahaa inuu cuddurkaasi ku sii faafo dadka ku jira Xeradaasi oo tiradoodu dhan tahay 350,000 oo qof.

Sarkaalkaasi  waxa uu intaasi ku daray in waxa ugu muhiimsan tahay Faya-dhowrka Xeradda, wuxuuna hoosta ka xaqriiqay in Koloriin lagu buufinayo Xeradda, iyadoo dadkana loo qeybiyey Saabuun.

Dhinaca kale, Cuddurka Daacuunka ayaa ka dillaacay Xeradaasi, kadib, markii ay Kenya ka da’een roobab socday mudo dhowr Toddobaad ah.

©Radio Dalsan           

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor