Qaxooti Soomaali oo cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Xero ku taalla Kenya.

7 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurka Daacuunka ugu geeriyoodeen Xeradda Dhagaxley, iyadoo 541-kalena la xanuunsan yihiin Cuddurkaasi Saf-mareenka ah.

Madaxa Ergadda Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF u jooga dalka Kenya, Charles Gaudry ayaa sheegay in ku-dhawaad 30% dadka uu soo ritay cuddurkaasi yihiin carruur ay da’dooda ka hooseyso 12-jir.

Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Xerooyinka Xagar-dheere iyo Dhadhaab iyo Nadaafad-xumida jirta ayaana loo aanaynayaa inuu cuddurka Koleeraha ka dillaaco.

Charles Gaudry  waxa kaloo uu sheegay inaysan jirin Maalgelin Waqtiga dheer ee Adeegyadda Caafimaadka iyo Faya-dhowrka ee Xerooyinka Qaxootiga.

Isbitaalladda ayaa la sheegay inay buux dhaafiyeen carruur uu ku dhacay Daacuun Caloolaha iyo kuwo ay hayso Nafaqo la’aan.

Bishii November ee la soo dhaafay 23-dii ayaa waxaa si rasmi ahaan loo  caddeeyey inuu cuddurka Koleeraha ka dilaacay Xeradda Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo Qaxooti u badan Soomaali.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor