Qaxooti Soomaali iyo Muhaajiriin bilaa Dukumenti oo ku xayiran yihiin xuduudka Meksiko la wadaagto Maraykanka

Wakiilo ka socday Hay’adda Adeegga Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ee Lutheran ee dalka Maraykanka  (LIRS) ayaa gaaray xuduudka Gobalka Teksas la wadaago dalka Meksiko, halkaasi oo ay ku xoonsan yihiin Qaxooti Soomali ah, Muhaajiriin ay ku jiraan carruur oo aan wax Dukumenti ah wadanin.

Hay’adda LIRS ayaa ah Hay’ad taageerta Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku dhibaataysan Xuduudka Maraykanka la wadaago dalka Meksiko.

Guddoomiyaha Hay’adda LIRS oo lagu magacaabo Ted W. Goins ayaa u sheegay Wargeyska Salisbury Post inay xuduudka kula kulmeen Qaxooti Soomaali, wuxuuna xusay inay aad u danaynayaan inay u gudbaan xuduudka Maraykanka.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inay Soomaalida u sheegeen inay Somalia ka soo ambabaxeen, oo ay tageen  dalka Koonfurta Afrika, kadibna loo soo tahriibiyey dalka Brazil.

Kooxaha Mukhalisiinta ayaa Qaxootigaasi ka soo gudbiya dhulalka kaymaha leh ee dalalka Peru, Ekwadoor, Kolombiya, ka hor intaysan keenin xuduudka Mekjsiko la wadaago dalka Maraykanka.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay in Qaxootiga Soomaalida haddii ay soo gaaraan Maraykanka inay si dhaqso leh magangelyo Qaxootinimo uga helaan dalka Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay dhibaatadu tahay inaysan lahayn waddo fudud oo ay ku gaari karaan Maraykanka.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor